Daawo Shariif Xasan oo kasheekaynaya sababta uu isucasilay

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa magaalada Baydhabo kaga dhawaaqay inuu iska casilay xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed, kaddib cadaadis siyaasadeed oo maalmihii la soo dhaafay la kulmayay.

Shariif Xasan ayaa xilliga uu ku dhawaaqayay is casilaadiisa waxaa hareer taagnaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye

Waxaa uu kaloo ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay tartanka Musharaxnimada, taasoo soo afjareysa jahwareerkii ka taagnaa doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Is casilaada Shariif Xasan waxaa goobjoog ka ah Wasiirka Arrimaja Gudaha dowladda Federaalka Cabdi Maxamed Sabriye oo goor si horeysay gaaray Baydhabo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa si KMG u sii heyn doona xilka Madaxweynaha, inta laga soo dooranayo Madaxweyne cusub.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook