Dagaal kulul oo dhexmaray Fenerbahce iyo Galatasaray +VIDEO

Waxaa dhacay mid ka mid ah Kulamada ugu adag ee laga Cayaaro Horyaalka dalka Turkiga kaas oo ah Cayaarta loo yaqaan Istanbul derby waxaayna dhex martay kooxaha kala ah Fenerbahce iyo Galatasaray balse kulankaas waxaa hareeyey dagaal iyo Calaamado badan oo Casaan ah oo laqaatay.

Kulankaan ayaa waxaa ku dagaalamay Cayaartoyda labada Kooxood waxaana Cayaarta laga saaray 3 Cayaaryahan markii ay qaateen Calaamada Casaanka ah.

Cayaaryahanka Khadka dhexe ee kooxda Fenerbahce ee Jailson oo ah Xiddig u dhashay dalka Braziil ayaa dhaliyey Gool layaab leh oo Cayaarata ka dhigay bareejo 2-2 ah markii uu kulankaan dhamaaday ayaa laba laba laysku qabsaday waxaana Calaamada Casaanka ah lasiiyey Cayaartoyda kala ah Jailson, Roberto Soldado iyo Badou Ndiaye.

Galatasaray ayaa lahormartay laba Gool balse waxaa ka daba keenay Cayaartoyda kooxda Fenerbahce kuwaas oo diidey in ay Niyad jabaan waxaana Goolka bareejada uu dhashay daqiiqadihii ugu danbeeyey ee Cayaarta.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook