Edson Brittes Jr “aniga ayaa dilay ciyaaryahan Daniel Corre“

Ganacsade reer Brazil oo lagu magacaabo Edson Brittes Jr ayaa sheegtay mas’uuliyada dilka xiddigii Sao Paulo Daniel Correa isagoo sheegay inuu u sameeyay ka dib markii uu arkay isagoo isku dayaya inuu kufsado xaaskiisa.

24 jirkaan ayaa meydkiisa la helay isagoo si xun loo garaacay, qoorta laga gooyay islamarkaana xubintiisa taranka laga jaray isbuucaan, waxaana ay aheyd faldanbiyeed ka nixiyay Brazil.

Brittes oo soo duubay muuqaal laga baahiyay TV ayaa sharaxaad ka bixiyay sida ay wax u dhaceen.

“Markii aan furay albaabka, waxaan arkay isagoo ku duljiifa xaaskeyga, waxaana ay ku qeylineysay in la caawiyo” ayuu yiri.

“Wixii aan sameeyay waxa ay aheyd wax uu nin walba u sameyn lahaa dumarkiisa.

“Waxay noqon kartaa gabadhaada, walaashaa, hooyadaa, xaaskaaga.

“Waqtigaasna, waxay aheyd xaaskeyga Cris oo aan isqabnay muddo 20 sannadood ah, waa xaaska aan u hibeeyay nolosheyda oo aan mar walba jeclaa islamarkaana ixtiraam weyn u hayay.”

Xaaska Brittes iyo gabadhiisa Allana oo iyagana joogay xafladii dhasho ee ay dhacdadu ka dhacday ayaa iyagana la xiray.

“Xaaskeyga waxba kuma sameynin Daniel, gabadheydana waxba ku sameynin si kasta loo xantamo runta waa ay soo baxeysaa mar walba.” ayuu hadalkiisa raaciyay.

“Haa waan sameeyay wixii aan sameeyay laakiin waxaan doonayaa dadkiina i daawanaya inaad ka fekertaan wixii aad u sameyn laheydeen inaad ilaalisaan sharafka qoyskiina, wixii aad sameyn laheydeen inaad ku caawisaan dumar iska yar oo daciif ah.

“Taas ayayna aheyd wixii aan sameeyay markii aan ka dul kiciyay xaaskeyga, waxaan ku tuuray dhulka waxaana ka horjoogsaday inuu bahalkaas kufsado.”

HALKN KA AQRI SHEEKADAN

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook