Ilhan Cumar oo Ku Guuleysatay Kongareeska Mareykanka

Ilhaan Cumar oo ah Gabadha Soomaalida ah ee u tartameysay kamid noqoshada Golaha Kongareeska Mareykanka ayaa doorashadii ka dhacday dalkaasi ku soo baxday Kursiga.

Ilhaan oo guusheeda kaddib la hadashay taageerayaasheeda ayaa sheegtay in 20 Sano ka hor markii ay Mareykanka tageysay ku socotay riyooyin kala duwan iyo ballanqaadyo xilligaas Mareykanka kana dhabeysay.

Waxaa ay sheegtay in ay matali doonto dhamaan dadka kala duwan ee Gobolka Minnesota.

Ilhaan ayaa tagi doonta caasimadda Mareykanka,waxaana ay noqotay qofkii ugu horreeyay ee soogalooti ku gala Mareykanka islamarkaana kamid noqda Golaha Kongareeska Mareykanka.

Waxaa intaas u dheer in ay tahay Gabar Soomaali ah,Muslim ah,sidoo kalena ka soo jeeda Afrika oo ka mid noqota Aqalka hoose ee Mareykanka.

Dhinaca kale Maxamuud Nuur oo isna ah Soomaali u tartamayay xaafad ka mid ah Minnesota ayaa ku guuleystay kursigii uu u tartamayay.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook