Kooxda Eibar oo bahdishay Real Madrid +SAWIRRO

Kooxda Eibar ayaa guul muhiima ka gaartay Real Madrid iyagoo kaga adkaaday 3-0. Kulan ka dhacay garoon kaliya qaada 7,000 oo taagere.

Kulanka ayaa qeybta hore lagu kala maray 1-0, oo ay ku hogaamineysay kooxda Eibar waxaana u dhaliyay laacibka Gonzalo Escalante daqiiqadii 16-aad.

Madrid ayaa ayaa goolka ka hor laga diiday gool uu dhaliyay Gareth Bale kasoo ahaa Leen ka bax ama Offside.

Dib markii loogu soo laabtay kaambiyaha dambe kooxda Guriga ayaa soo bandhigaty cayaar ka duwan tii qeybta hore.

Waxaana dhacday in Real laga dhaliyay laba gool oo deg deg ah shan daqiiqo dugaheed.

Goolka hore ayaa dhashay daqiiqadii 52-aad waxaana u dhaliyay xiddiga Sergi Enrich ka hor inta uu laacibka Kike hogaanka uga dhigin naadigiisa 3-0 daqiiqadii 57-aad.

Real oo u muuqatay mid aan dadaalka ku yaraaen ayaa waxaa dhawr isku dag ka badbaadiyay Goolhayaha Eibar.

Waa guuldaradii shanaad ee soo gaarta Real Madrid xagaagan iyo tii ugu horreysay uu la kulmay maamulahooda cusub ee Santiago Solari.

Kooxda Eibar ayaa guushan ka dhigan tahay markii ugu horreysay oo ay Real Madrid garaacday horyaalka La Liga taariikhda.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook