Madaxda Sacuudiga ayaa kadambaysay dilka Khashoggi

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa markii ugu horraysay waxaa uu dowladda Sucuudiga si toos ah ugu eedeeyay dilka weriye Jamaal Khashoggi.

“Waxaannu ognahay in amarka lagu dilay Khashoggi inuu ka soo baxay madaxda ugu sarreysa ee dowladda Sucuudiga,” ayuu ku qoray maqaal ku soo baxay wargeyska the Washington Post.

Balse Erdogan ayaa sheegay inuusan rumaysnayn in Boqor Salmaan uu arrintaasi ku lug lahaa.

“Waannu ognahay in dadka ka dambeeyay dilka ay ka tirsan yihiin 18-ka qof ee laga shakisan yahay ee lagu hayo gudaha dalka Sucuudi Carabiya,” ayuu ku qoray wargeyska the Washington Post, halkaas oo ah warbaahintii uu Khashuggi wax ku qori jiray.

“Waxaannu kaloo ognahay in shakhsiyaadkaas ay Turkiga u yimaadeen inay fuliyaan amarro la soo siiyay: oo ah inay dilaan Khaashuqji kaddibna ay iska tagaan. Ugu dambayntii, waxaannu ognahay in amarka dilka Khaashuqji uu ka soo baxay madaxda ugu sarreysa ee dowladda Sucuudiga.”

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku baaqay in “dadkii ka dambeeyay dilkii Khaashuqji” bannaanka la soo dhigo.

“Waa in aanay dhicin in markale cid ay ku soo dhiirato in fal noocaas oo kale ah ay ku dhex fuliso dhulka xulafada Nato,” ayuu yiri. “Haddii cid un ay digniintaas iska dhegatirto, waxa ay wajihi doontaa cawaaqib xumo baahsan.”

Waxa uu ka cowday in aanan wax tallaaba ah laga qaadin qunsulka guud ee Sucuudiga, kaas oo Turkiga isaga tagay, waxa uuna dacwad oogaha guud ee Sucuudiga ku eedeeyay inuu ku guuldarraystay inuu la shaqeeyo dambi baarayaasha “isagoon weliba ka jawaabin su’aalo iska fudud”.

Jamal Khashoggi ayaa waxaa 2-dii bishii Oktoobar lagu dilay qunsuliyadda Sucuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul.

Dambi baarayaasha Turkiga ayaa waxa ay rumaysan yihiin in weriyaha oo dibad joog ahaa la ceejiyay markii uu qunsuliyadda Sucuudiga u tegay si uu uga soo qaato dikumiintiyo ka caawin lahaa guurka inanta u dhalatay dalka Turkiga oo dhawaan dhici lahaa.

Maydkiisa ayaanan weli meelna lagu sheegin iyadoo Yasin Aktay oo lataliye u ah Madaxweyne Erdogan uu sheegay inuu rumaysan yahay in maydka ninkaasi lagu baabi’iyay aashito kaddib markii jirkiisa la jarjaray.

Dilka oo markii hore ay qariyeen mas’uuliyiinta Sucuudiga ayaa waxa uu dhaliyay dhibaato dhanka diblumaasiyadda ah oo ka dhex aloosantay Sucuudi Carabiya iyo xulafadeeda.

Dowladda Sucuudiga ayaa markaasi kaddib waxa ay xirtay 18 qof oo laga shakisan yahay kuwaas oo lagu maxkamadayn doono gudaha dalka Sucuudi Carabiya.

 

HALAKN KA AQRI SHEEKADAN

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook