Madaxwayne Xaaf iyo Sheekh Shaakir oo Gaalkacyo tagay +SAWIRRO

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geel Xaaf iyo Madaxa Xukuumada Maamulkaas Axmed Shaakir Cali ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo kadib markii magaalada Dhuusomareeb loo diiday in ay gaaraan gaadiidka Qaramada Midoobay.

Magaalada Cadaado ayaa loo diiday inay ka soo gudbaan gaadiidka Qaramada Midoobay ee aan rasaasta Karin kuwaasoo la doonayay inay isticmaalaan wafdiga uu horkacayo ergeyga gaarka ee Qaramada Midoobay Nickolas Haysom.

Xaaf iyo Shiikh Shaakir ayaa ku qasbanaaday inay u duulaan magaalada Gaalkacyo si ay ugula kulmaan ergeyga Qaramada Midoobay Haysom, oo wada dadaalo uu ku doonayo in uu ku dhexdhexaadiyo Madaxda Maamul goboleedyada dalka iyo Dowlada Federalka.

Booqashada magaalada Dhuusomareeb ayaa noqonaysa safarkiisa ugu dambeeya ee xalinta khilaafka dowlada federalka iyo maamu goboleedyada isagoo hore u soo booqday magaalooyinka Kismaayo,Baydhabo iyo Garowe.

Ergeyga Qaramada Midoobay Nicholas Haysom ayaa booqashadiisii ugu horeysay ku tegey magaalada Hargeysa halkaa oo uu kulan kula leeyahay madaxda Maamulka Somaliland.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook