Madaxweynaha Uganda oo Soomaaliya ku tilmaamay meel bahalo galeen ah

Qoraal uu barta Twitterka soo dhigay Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musavani ayaa xiisad ka dhaliyay baraha bulshada, waxa uuna Madaxweynaha Uganda tilmaan xun ka bixiyay dalalka Soomaaliya iyo Liibiya.

Yuweri Musavani oo fariin dar daaran ah hawada u marinayay Madaxda Koonfurt sudan ayuu u sheegay in dadka Shisheeyaha ah ay doonayaan in ay Koofurta Suudaan ka dhigaan meel bahallo galeen ah sida Soomaaliya iyo Liibiya.

Qoraalka uu Twitterka soo dhigay Madaxweynaha Uganda ayaa si weyn looga falceliyay, waxa ayna dadka qaar Madaxweynaha ugu baaqeen in uu xilka uu hayo baneeyo uuna fursad siiyo dhalinyarada.

Dalka Uganda waxaa Soomaaliya ka jooga kumanaan askari oo katirsan ciidamada AMISOM, waxa ayna Uganda kamid aheyd dowladah sida weyn u taageeri jiray dowladahii kala duwanaa ee dalka soo maray bur burka kadib.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

One thought on “Madaxweynaha Uganda oo Soomaaliya ku tilmaamay meel bahalo galeen ah”

  1. origino says:

    waa run weli somaliyoo dhan maahee meesha bahala galeenka ah waa caasimadda muqdishu oo 30 sannadood dadka somalida garbaduubtay oy ka dhaqaaq la yihiin hadbo mid nacas ah oo ay ku sheegayaan oo madaxweyne ay hadbo madaxtooyada soo fariisiyaan garna galin garna ka bixin waxaan loofadhinina hadba jeebka kal;a soo baxo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook