DAAWO Madaxweyne Xaaf oo Gaalkacyo kula kulmay Ergeyga Qaramada Midoobey +SAWIRRO

Wafdi uu hoggaaminayo Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom oo uu wehliyo Ergeyga Midowga Afrika Francisco Madiera ayaa maanta barqadii gaaray magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Labada Ergey ee Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ayaa xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Koofurta Gaalkacyo kula kulmay Madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf iyo Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir.

Kulankan ayaa looga hadlay arrimo badan ay ka mid yihiin khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada iyo sidii xal loogu heli lahaa.

Wararka laga helayo Gaalkacyo ayaa sheegaya in Madaxda Galmudug ay u gudbiyeen Ergeyga Qaramada Midoobey cabasho ku saabsan faragelinta dowladda Dhexe ku heyso Galmudug, gaar ahaan waxa ka socda Cadaado oo ay sheegeen in lagu kala dhantaalayo Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxa Xukuumadda Sheekh Maxamed Shaakir ayaa tagay shalay magaalada Gaalkacyo si ay ula kulmaan Ergeyga Qaramada Midoobey.

Ergeyga Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ayaa ka baaqsaday safar ay ku tagi lahaayeen Dhuusamareeb, waxaana taas sabab u aheyd khilaafka Galmudug iyo garabyada u qeybsan Cadaado iyo Dhuusamareeb, taasoo keentay in meel dhex dhexaad ka ah labada Magaalo kula kulmaan Madaxweyne Xaaf iyo Madaxa Xukuumadda Sheekh Shaakir.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook