Xogtii Ugu dambeysay Qaraxyada Muqdisho iyo Khasaaraha oo kordhay + sawirro

Ugu yaraan 14 qof oo shacab ah ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen saddex qarax ismiidaamin oo galabta ka dhacay agagaarka isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Qaraxyada ayaa ka dhacay banaanka Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale isku dayey inay gudaha u galaan koox hubeysan. Waxaa sidoo kale goobta qarax ka ag dhow hotelka Hayat iyo xarunta CID.

“Waxaan arkay meydadka ugu yaraan 14 qof, waxaana macquul ah in dhimashada ay intaas ka badan tahay” ayuu yiri Qof goobjooge ah.

Khasaaraha ugu badnaa ayaa loo malaynayaa inuu ka dhashay baabuur rayid ah oo marayey waddada, kuwaasi oo qaraxa uu haleeyey, Waxaana sidoo kale jira dad badan oo dhaawac ah.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan waxayna xaqiijisay in ay beegsatay Hotelka Saxafi oo ay daganyihiin xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka, saraakiil amni iyo mas’uuliyiin ka tirsan DF.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook