Antonio Rudige oo ‘DOQOMO’ ku tilmaamay saaxiibadiisa+SAWIRRO

Chelsea ayaa shalay guul daro ka soo gaartay kooxda Leicester City oo gool madi ah ku martay taa oo ka dhigneyd guul daradii ugu horreysay xilli ciyaareedka ee ku soo gaarta garoonkooda Stamford Bridge.

Daafaca Blues Antonio Rudige oo furka tuurtay ciyaarta kaddib ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay inay gabi ahaan isaga hareen tartanka ku guuleysiga Premier League isagoona Doqon ku tilmaamay caqliyada iyo Maskaxda saaxiibadiisa kooxda.

Guul daradii shalay ayaa uga dhigan Chelsea in laga adkaaday saddex ka mid ah lixdii kulan ee ugu dambeeyay Premier League.

“Waa musiibo, Wixii markaan ka dambeeyay horyaal kama hadli karno,” Rudige oo careysan ayaa sidaa ku bilaabay hadalkiisa.

“Haddii aynaan guuleysan karin kulamadan, uma tartami karno horyaalka, iminka waxaan ka hadli karnaa oo qura afarta sare.
“Laga yaabee inay midan sabab u tahay caqliyad la’aan, maskax la’aan. Doqonimo”.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook