Chelsea oo guul ka gaartay Man City +SAWIRRO

Kooxda Chelsea ayaa noqotay kooxda jabisa rikoorka guuldaro la’aanta kooxda uu hogaamiyo Pep Guardiola Tasoo aan xilli ciyaareedkaan aan Hal kulan laga badinin kulanada Epl-ka.

Sarri ayaa adeegsaday falsafad cusub uu ku kala dhantaalay awooda Manchester City tasoo xalay lumisay hagaanka Epl-ka oo ay tan iyo bilawga ay ku raaxeesanaayeen.

Kadib is badal uu ku sameeyay shax ciyaareedkiisa macalinka reer Italy waxa ay u suurta gelisay guul muhiim ah in uu ku gaaro gurigiisa.

Sida caadada ahayd sarri waxa uu ku soo galay shax ciyaareedkiisa caanka ahayd ee 4-3-3, balse xalay waxa uu ciyaaray waxa loo yaqaano Nobe False( weerar beenaad).

David Luiz Iyo Kante ayaa soo bandhigay qaab ciyaareedkoodi ugu wanaagsanaa oo ay hore ugu barteen taageeerayaasha Chelsea tasoo iyana noqotay sabab kale oo ay blues guul ku qaadatay.

Mourizio Sarri haatan waxa uu u muuqdaa macalin si wacan ula bilaawda xilli ciyaareedkiisa 1-aad marki wax lagu qiimeeyo guulaha uu ka heeato kooxahah waaweyn ee Epl-ka.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook