Luka Modric oo ku guulaystay abaalmarinta kubbada cagta ee Ballon d’Or 2018

Luka Modric oo khadka dhexe uga dheela kooxda Real Madrid iyo qarankiisa Croatia ayaa ku guulaystay abaalmarinta qaaliga ah ee kubbadda ee Ballon d’Or 2018, wuxuuna noqonayaa ciyaartoygii ugu horreeyay ee abaalmarintaas hela tobankii sano ee ugu dambeeyay marka laga reebo Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Luka oo 33 jir ah ayaa markii saddexaad ku guulaystay koobka qiimaha badan ee Horyaallada Yurub bishii May ka hor intii uusan dalkiisa Croatia gacan ka siinin in ay markii koobaad gaaraan ciyaarta kama dambaysta ah ee Koobka Adduunka.

Kaka oo afka hore uga dheeli jiray Brazil iyo AC Milan ayaa ahaa ciyaartoygii ugu dambeeyay ee ku guulaysta abaalmarintan marka laga soo tago Messi iyo Ronaldo.

Ronaldo oo xagaagii ka tagay Real Madrid kuna biiray Juventus ayaa galay kaalinta labaad.

Messi oo afka hore uga dheela Barcelona ayaa kaalinta shanaad galay, Antoine Griezmann oo u dheela Atletico Madrid ayaa galay kaalinta saddexaad Kylian Mbappe oo ay dalka Faransiiska u wada qaadeen Koobka Adduunkana wuxuu galay kaalinta afraad.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook