Manchester United Oo Ku Dhawaaqaday Macalinkeeda Ku Meel Gaar ah In uu yahay Ole Gunnar Solskjaer.

Kooxda Man United ayaa shalay shaqada ka ceyrisay macalinkii hogaaminaaye kooxdooda Ee Jose Mourinho Kaasoo Marxalad aan wanaagsaneen Kooxda U Horseeday.

Kadib raacdeentiisa waxaa bilaawday baadi goobka badalkiisa rasmiga ah balse United ayaa ku dhawaaqday macalin ku meel gaar ah.

Manchester United ayaa markaan si rasmi ah ugu dhawaaqday Ole Gunnar Solskjaer kasoo hogaamin doona inta xilli ciyaareedka ka dhiman, macalinkaan waxaa ku wehiln doona hogaaminta kooxda Mike Phelan oo ahaa caawiyihii waqtiga dheer la soo shaqeeyay Sir alex sido kale Michael Carrick iyo Kieran McKenna iyaga waxay si xoogan u garab istaagi doonaan Ole Gunnar Solskjaer

“Solskjaer ayaa noqonaya macalinka Sida ku meel gaarka ah u hogaamin doona kooxda, 20 sano ayaa laga joogaa marki uu kooxda u suurta geliyay soo laabasho cajiib ah inay sameeyaan”

” Waxaan Soo dhaweeyneenaa Gunnar Solskjaer oo noqonaya macailka hogaamin doona kooxdeena xilli ciyaareedka 2018/19″

“waxaa la shaqeen doona Mike Phelan, Carrick iyo Kieran McKenna kubaas kooxda la shaqeen doona” ayay ku daabaceen Twitter-kooda.

Solskjaer oo jamaahiirta qaar ay u yaqaanaan nasiibkii Man United ayaa ku soo biiray kooxda Old Trafford sanadkii 1996, waxaana uu u saftay 366 kulan isagoo u dhaliyay 126 gool. Wuxuu kula guuleystay 6 horyaal, 2 FA Cup iyo 1 Champions League, wuxuuna kooxda ka tagay 2007.

United ayaa inta ka dhiman xili ciyaareedkan ka fakari doonta macalin mugleh, oo soo celin kara qiimihii kooxda, waxaana loo badinaya iney keeni doonto Zinedine Zidane ama Mauricio Pochettino midkood.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook