Tottenham Oo Xasuuq xun U Gaysatay Everton +SAWIRRO

Kooxda kubadda cagta Tottenham Hotspur ayaa si arxan darro ah u xasuuqday kooxda Everton kadib markii ay uga adkaadeen 6-2.

Everton oo goolka ku horraysay ayaa waxaa daqiiqaddii 21-aad hogaanka u dhiibay weeraryahankeeda Theo Walcott.

Balse Spurs ayaa lix daqiiqo kadib latimid goolka barbaraha markaas oo uu weeraryahankeeda Son uu daqiiqaddii 27-aad shabaqa soo taabtay, kahor inta aysan D. Alli iyo H.Kane si isku xigta shabaqa u gaarkn daqiiqaddi 35-aad iyo 42-aad ciyaarta, iyada oo nasiinada lagubkala aaday 3-1.

Markii la isku soo laabtana C.Erikson daqiiqaddii 48-aad ayaa ciyaarta kadhigay 4-2, halka Everton daqiiqaddii 51-aad goolka labaad waxaa u keenay weeraryahankeeda G.Sigurdsson.

Balae Spurs ayaa ciyaarta dishay kadib markii ay Son(67) iyo Harry(74) ay shabaqa gareen, markaas oo ciyaartu waqtigii loogu talagalay kusoo idlaatay 6-2 oo ay guushu kuraacday Spurs.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook