Axmed Karaash oo Noqday Madaxwayne ku xigeenka Cusub ee Puntland+VIDEO

448

Waxaa goordhaw magaalada Garawe ee caasimada maamulka Puntland lagu doortay Madaxweyne kuxigeenka cusub ee maamulka Puntland ay ku tartamayeen in ka badan 10-Musharax.

Doorashada Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Puntland ayaa gaartay wareega sadexaad, waxaana wareegii ugu dambeeyay ku guuleestay Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo helay 47-cod halka Musharaxa uu ka guuleestay ee Cabdi Ibraahim Warsame isna helay 19-cod.

Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa maanta doortay Madaxweyne iyo Madaxweyne kuxigeenka talada maamulkaasi heyn doona 5-ta sano ee soo socota, waxaana doorashada maanta dhacday noqotay mid taariikhi ah.

Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Cabdiweli Gaas iyo kuxigeenkiisa Cabdixakiin Camey ayaa labadaba guul daro xanuun badan kala kulmay doorashadii ay maanta ka qeyb galeen, waxaana maamulka cusub Puntland hogaamin doona wajiyo cusub.