Farmaajo oo kulan gaar ah la yeeshay Axmed Karaash

406

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Baydhabo kula kumay madaxweyne ku xigeenka dowlada Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) iyagoo ka wadahadlay sidii loo wanaajin lahaa xiriirka dowlada federalka iyo Maamulka Puntland.

Kulankan ayaa la sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu Madaxweyne ku xigeenka cusub ee Puntland Axmed Karaash uu ka dalbaday in Maamulka cusub ee Puntland uu wax ka bedeli siyaasadii hore ee Madaxweynihii hore ee Puntland ee xiriirka dowlada federalka.

Dhowaan ayaa madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Deni sheegay in uu raacayo dastuurka Puntland waxa uu ka qabo xiriirka uu la leeyahay dowlada federalka.

Waxayna taasi dhalisay shaki ah in laga yaabo in Siciid Deni madaxweynaha cusub ee Puntland uu sii wadi doono siyaasada Maamulka Puntland ee hogaamiyihii ka horeeyay.

Kulanka Madaxweyne Farmaajo uu la yeeshay Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa yimid kadib markii dhowaan uu sheegay Madaxweynaha dowlada federalka in uu wanaajin doono xiriirka kala dhexeeya dowlada federalka Maamul goboleedyada dalka.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Jubbaland Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaan ka qeybgalin xafladii caleemasaarka ee magaalada Baydhabo