Madaxweyne Xaaf oo gaaray Garowe

378

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa maanta gaaray Magaalada Garowe ee Caasimadda maamulka Puntland, waxaana garoonka Diyaaraddaha kusoo dhaweeyay Madaxweynaha cusub ee Puntland.

Wafdiga Madaxweyne Xaaf waxaa ka mid ah Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan maamulka Galmudug iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir.

Madaxweynaha Puntland ayaa kaga mahadceliyay Madaxweynaha Galmudug si uu u ajiibay Casuumaadii loo fidiyay si uu uga qeyb galo Caleemasaarka.