Axmed Madoobe iyo Ciidamo Dhoolatus ka sameeyay Kismaayo +sawirro

Ciidamada Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa maanta magaalada Kismaayo ka sameeyey, dhoolatus ay kusoo bandhigeen ciidanku.

Dhoolatuska ka hor Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa ciidanka u khudbeeyey wuxuuna kula dardaarmay in ay sida ugu haboon uga qayb qaataan howlgalada xoreynta ah ee la filayo inay Bilowdaan.

Ciidamada oo saaran gawaarida gaashaaman ayaa dhexmaray magaalada Kismaayo, hareeraha waddooyinka waxaa taagnaa dadweyne aad ugu faraxsan dhoolatuska ciidanka iyo howlgalka xoreynta ah ee ay bilowday Jubbaland.

Gaashaanle Sare Cabdiraxmaan Mooraal Taliyaha ciidamada Jubbaland ee aaga Baar Sanguuni ayaa sheegay in la diyaariyay ciidamadii ugu badnaa iyo qalabkooda, kuwaasi oo dhawaan howlgal Wadajir ah bilaabaya, Wuxuuna xusay inay guulo ka gaadheen howlgal ay ka sameeyeen gobolka Jubbada Hoose.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

One thought on “Axmed Madoobe iyo Ciidamo Dhoolatus ka sameeyay Kismaayo +sawirro”

  1. origino says:

    war ninkan somalia haloo dhiibo si deg deg ah ayaan dal jiro ku noqon lahayn mandheerta meesha fadhido kala dira

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook