DHAGEYSO Xildhibaan Xassan Cabdi Ismaaciil dowladda Afgooye ayay gaari la dahay

Xildhibaan Xassan Cabdi Ismaaciil oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka,islamarkaana maanta gaaray degmada Afmadow ayaa ka hadlay arrimo kala duwan oo ay qayb ka yihiin howlgalada xoreynta ah gobolka Jubbada Dhexe.

Xildhibaanka waxaa uu sheegay in Ciidanka Jubbaland ay diyaar u yihiin in ay Al-Shabaab ay kala wareegaan guud ahaan gobolka Jubbada dhexe , islamarkaana hadda uu socdo abaabul ku aadan arintaasi.

Waxaa uu xusay in dowladda dhexe ee Soomaaliya aysan xoreyn karin gobolka Jubbadda dhexe, maadaama wali aysan gaarin degaano ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose sidda Afgooye iyo in aysan wali sugin Ammaanka Muqdisho.

Waxaa uu dadka kunool degaanada Jubbaland ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Hay’addaha kala duwan ee maamulka Jubbaland si looga fagaado in dhibaato loo geysto maamulka Jubbaland.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook