Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland oo la doortay

Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Puntland ayaa maanta Gudoomiye cusub ku doortay Magaalada Garowe ee Caasimadda maamulka Puntland.

Xildhibaanada ayaa Guddoomiye u doortay Cabdixakiin Maxamed Axmed [Dhoobo-daarood].

Cabdixakiin Maxamed Axmed(Dhoobo-dareed) ayaa helay 43 Cod ,halka uu helay Cabdijamaal Cismaan Maxamed 23 Cod ,kaasoo kula tartamay Wareegga Labaad.

Cabdixakiin Maxamed Axmed [Dhoobo-daarood] ayaa ah Xildhibaan mudo saddex jeer usoo tartamay Kursiga Gudoomiyaha Gollaha Wakiiladda Puntland [2014, 2015 iyo 2019].

Dhoobo-daarood ayaa doorashadii 2014 ku haray wareegga kowaad, waxa uu haddana isku soo taagay xilkan 2015 markii Xildhibaanada ay xilka ka qaadeen Saciid Xasan Shire, balse waxaa ka adkaadey Axmed Cali Xaashi.

Waxa uu kursiga Xildhibaanimo kasoo galay gobolka Sanaag.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook