Madaweynaha cusub ee Puntland oo amar deg deg ah soo saaray

Qoraal goordhaw kasoo baxay Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu amray in dhamaan la joojiyay wax qarash ahna aan laga bixin karin lacagaha maamulka ee yaala Bangiyada iyo Xawaaladaha.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa qoraalka uu soo saaray lagu amray in wax lacag ah aan laga bixin karin dhamaan akoonada Puntland ku leedahay Bangiyada iyo Xawaaladaha, waxaana amarkan cusub lala socodsiiyay Wasaarada Maaliyada, Bangiyada iyo Xawaaladaha.

Halkan ka Akhriso Amarka kasoo baxay Madaxweyne Deni

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook