SAWIRRO: Madaxweyne Saciid Deni oo si rasmi ah Xilka ula Wareegay

Madaxweynaha Cusub ee Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Maanta xilalka sirasmi ah ula wareegeen.

Xarunta Madaxtooyada Puntland ee Magalada Garoowe ayaa waxaa lagu qabtay Munaasabada xil wareejinta,waxaana goobjoog ka ahaa,Madaxweyne Siciid Deni,ku xigeenkiisa,Madaxweynihii hore ee Puntland Cabduweli Gaas iyo marti sharaf kale.

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas iyo ku xigeenkisii hore Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Cameey ayaa waxaa ay xilalkii sirasmi ah ugu wareejiyeen Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland ee dhawaan lagu doortay Magalada Garoowe.

Xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ayaa Sanadkii 2013 waxaa dhistay Xukuumadii uu hoggaaminayay Madaxweynihi hore ee Puntland Sanoter Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud Faroole,waxaana Maanta lagu qabtay Munaasabad ay xilalka kula wareegeen Madaxweyne Siciid Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook