Ururka Al-shabaab oo sheegay in ay isku soo dhiibeen ciidamo ka tirsan dowladda

Ururka Al-shabaab ayaa sheegay in ay isku soo dhibeen tiradii ugu badneyd ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya

Al-shabaab ayaa sheegay in ciidamada isku dhiibay oo ka tirsanaa militariga Soomaaliya gaarayaan 13 Askari oo ka howlgalayay Aaga Ceelcadde ee gobolka Gedo.

Saraakiisha Al-shabaab ayaa intaa ku daray in ciidamadan iyo hubkooda si toos ah ugu biireen xoogagga Al-shabaab wixii hadda ka danbeeyana ka tirsanaan doonaan dagaalayahan-nadooda

Al-Shabaab ayaa horay u sheegtay in Ciidamo ka tirsan maamulka Jubbaland ay isku dhiibeen, waxaana arintaasi ka hadlin maamulka Jubbaland.

Ilaa hadda wax war ah kama soo bixin dhinaca saraakiisha militariga dowladda Soomaaliya madaama Al-shabaab sheegeen in ciidamadan noqonayaan tiradii ugu badneyd ee isku soo dhiiba.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook