Wafdi ka socda Dawladda Somalia oo Garoowe uaaday +SAWIRRO

Wafdi ka socda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka duulay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana ay ku sii jeedaan maagaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland.

Wafdigan waxaa hoggaaminaya Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale oo ka soo jeeda degaannada Maamulka Puntland.

Mas’uuliyiintan safarkooda ayaa ku soo aadaya kaddib markii uu doorashada ku guuledarreystay C/Wali Maxamed Cali Gaas oo Warqad uu horay u soo saaray ku mamnuucay in xubnaha dowladda Federaalka ah tagaan Magaalada Garoowe isagoo ka Cabsi Qaba Dawladda.

Dhinaca kale Raysal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Hambalyo u diray Madaxwaynaha Cusub ee Puntland “Waxaan u hambalyeynayaa madaxweynaha la doortay ee dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Dani. Waxaan Alle uga baryayaa in uu u fududeeyo mas’uuliyadda loo igmaday. Shacabka iyo mas’uuliyiinta Puntland-na waxaan ugu baaqayaa in lala shaqeeyo madaxwayne Siciid”.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook