Dhageyso:- Muqdisho Canshuur bixiyaal aan helin adeegyada dowladda

370

Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho ayaa ah kuwa si joogto ah u bixiya Canshuurta Dowladda, taasi bedelkeedana aysan helin adeegyadii aas-aasiga ahaa ee looga baahnaa in laga helo Dowlad Bulshadeeda ka qaada Canshuurta.

Muwaadin kasta oo Somali ah oo bixiya Canshuurta Dowladda, ayaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo amni buuxa oo ku aadan ganacsigiisa & naftiisa, helida adeeg Waxbarasho oo lacag la’aan, helida adeeg caafimaad oo bilaash ah, wadooyin dhisan oo nadiif ah, cabista biyo nadiif ah & adeegyo kale oo badan oo dowladda looga fadhiyo, balse dadka reer Muqdisho ayaananba helin intaasi.

Ganacsatada & dhalinyarada Mootooyinka wata ayaa waxa ay ku dhiban yihiin hubka ay wataan askarta dowladda ee lagu iibiyo canshuurta shacabka laga qaado, balse askarta oo aanan sidaasi u dareensaneyn hubka ay wataan in lagu iibiyay Canshuurta shacabka ayaa dilal bareer u gaysta dhalinyarada Mootooyinka Bajaajta ku shaqeysa & ganacsatada kale.

Wasiirka Maaliyadda Somaliya Cabdi raxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay inay jiraan dad badan oo aanan bixin Canshuurta dalka oo ay ugu horeeyaan Shirkado waaweyn oo gudaha dalka ku yaallo,kuwaasi oo Wasiirka uu ka gaabsaday inuu sheego magacyadooda.

Waxaa jira Shirkado & Hoteelo waaweyn oo ku dhex yaalla Xarunta Ciidamada Amisom ee Xalane oo dowladda Somaliya aan u xisaabsaneyn, marka loo eego shaqooyinka kala duwan ee ka dhex socda oo xitaa dowladda ayan ka warqabin.

Xalane gudaheeda waxaa ku taallo Xaafad lagu magacaabo Chelsea Village oo ay u dhameystiran yihiin dhamaan adeegyada kala duwan oo xittaa Hotelo ay ku yaallaan, waxaana halkaasi seexda dadka Ajaanibta ah ee dalka yimaada, goobahaasi oo idil ma jiraan canshuuro dowladda ay ka qaado.

Wasiirka Maaliyadda Somaliya ayaa sheegay inay u baahan yihiin 20 Milyan inay ka soo xaroodaan Canshuurta gudaha, balse hadda ay helaan kaliya 14 Milyan oo gudaha ka soo xaroodaan, Dhaqaalaha ugu badana uu ku baxo Ciidanka dowladda oo Mushaarka & saadkooda isugu jira.

Bulshada reer Muqdisho oo ah Canshuur bixiyayaasha aanan helin adeegyada dowladda ayaa sheegay inay uga fadhiyaan dowladda Somaliya inay la xisaabtamaan, maadaama ay yihiin canshuur bixiyaal aan helin adeegyadii ay xaqa u lahaayeen.

Dowladda Somaliya ayaa Canshuur kala duwan ka qaada guryaha, Ganacsatada, Gaadiidka, Hay’addaha gaarka loo leeyahay, dhamaan Xarumahaasi ma jiraan amni buuxa oo ay helaan, marka laga soo tago ganacsatada oo si iskood ah amniga goobahooda u sugta, waxaa la wada xusuusta dhawr mar inuu dab kala duwan ka kacay Suuqyada ugu dhaqaalaha badan dalka ee Muqdisho ku yaallo,kuwaasi oo aanan laheyn Ciidan dowladeed oo amniga ganacsatada suga.