Al-Shabaab oo mar kale gubay gaadiid dhuxulsiday duleedka degmada Afgooye

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan gaadiid Xamuul ah oo lagu gubay gobolka Shabeellaha Hoose, islamarkaana dadka degaanka ay sheegeen in ay gubeen Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab.

Falkaan ayaa ka dhacay degaanka Doonka oo ku yaalla duleedka degmada Afgooye, waxaana la sheegay in gaadiidkaan ay sideen dhuxul, islamarkaana ay joojiyeen Ciidamo ka tirsan Shabaab ka dibna ay dabqabadsiiyeen.

Sababta loo gubay Gaadiidkaan ayaa lagu sheegay in ay tahay, in Shabaab ay horay u mamnuuceen in dhuxul laga shido degaanada ay maamulaan.

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellaha Hoose Cabdifitaax Xaaji Cabdulle ayaa xaqiijiyay in gaadiidkaan la gubay qaarkood xalay kuwana shalay galinkii dambe.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii Al-Shabaab ay ku gubeen 7 gaari oo xamuul ah oo la sheegay in ay waddeen dhuxul.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook