Golaha wasiirada Puntland oo lagu dhawaaqayo

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu ku dhawaaqo Golihiisa Wasiirada, iyadoo ay bil ay ka soo wareegatay markii xilka Madaxweynaha loo doortay.

Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada Garowe ayaa sheegaya in Madxweyne Saciid Deni uu soo gabagabeeyay wada tashadii uu ku soo magacaabayay Golaha Wasiirada.

Wararka ayaa sheegaya inay u badan tahay in Madaxweyne Deni uu ku dhawaaqo Golihiisa Wasiirada caawa illaa berri, iyadoo laga hadal haayo magaalada Garowe inuu soo magacaabi doono Gole Wasiiro oo kooban.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa dhowaan joojiyay kulamadii qaabilaada, taasoo looga gol lahaa inuu yareeyo siyaasiyiinta xildoonka ah ee Madaxtooyada Garowe buux dhaafiyay.

Dad badan ayaa u dhega taagaya Golaha Wasiirada uu soo magacaabi doono Madaxweyne Saciid Deni, waxaana intii uu Ololaha doorashada ku guda jiray uu sheegay inuu soo dhisi doono haddii xilka ku guuleysto Gole Wasiiro oo tayo leh.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook