Man United Oo 70 Milyan Ginni Ku Dooneysa Jadon Sancho

Manchester United ayaa si lama filaan ah ugu dhaqaaqeysa soo xerogelinta xiddiga aadka loo qiimeeyo ee Borussia Dortmund Jadon Sancho sida ay qortay jariirada The Sun.

Kooxda Red Devils ayaa dooneysa inay 70 milyan ginni ku soo xerogeliso xiddiga garabka ka ciyaara ee 18 jir ah, iyadoo heshiiskaas uu noqon karo mid muran dhaliya madaama uu Sancho waqti ku soo qaatay dersikooda Manchester City.

Xiddiga Ingariiska ayaa ku raaxeysanaya waqtigiisa Jarmalka tan iyo markiii uu Borussia DOrtmund ugu biiray heshiis 8 milyan ginni ah sannadii 2017.

Sancho ayaa labo sannadood iyo bar ku qaatay akadeemiga Manchester City ka dib markii uu uga soo biiray Watford.
City ayaa dooneysa inay ceshato laakiin waxa ay u xaqiijin waayeen inuu fursad ka helayo kooxda koowaad taasoo keentay inuu Jarmalka u dhaqaaqo.

Waxa uu saftay 12 kulan isagoo dhaliyay hal gool xilli ciyaareedkii hore islamarkaana sameeyay afar caawin.

Xilli ciyaareedkan waxa uu dhaliyay sideed gool isagoo sameeyay 10 caawin 28 kulan uu saftay.

Sancho oo 19 jir noqonaya bisha danbe ayaa ku riyaaqaya noloshiisa Jarmalka halkaasoo uu geesi u noqday taageerayaasha Dortmund laakiin inuu u dhaqaaqo koox weyn sida Manchester United ayaa ah mid uusan diidi karin.
Si kastaba, Manchester City ayaa boqolkiiba 15 ku leh lacag kasta oo ay Dortmund ku iibiso Jadon Sancho.

Haddii ay Dortmund dalab ka aqbasho koox kale, waa inay ogeysiiyaan Manchester City kuwaasoo fursad loo siinayo inay barbareeyaan dalabkaas haddii ay doonayaan.

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook