Taliyihii guutada 12 April oo qarax lagu dilay

Warar dheeraad ah oo ay heshay Wardoon ayaa sheegaya in Qaraxii Maanta ka dhacay Deegaanka Dhanaane Ee Gobolka Sh/Hoose uu ka dhashay Khasaaro iskugu jira Dhimasho iyo Dhaawac.

Qaraxaasi miinada ahaa ayaa lala Eegtay Askar katirsan Ciidanka Dawlada Gaadiid kollonyo ah ay wateen oo ku socdaalayey Wadada udhaxeysa Jaziira ilaa Dhanaane.

Sargaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdisalaan Aadan Kurjow isagoo ahaa Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Guutada 12 April.

Cabdisalaan ayaa Labo Bil ka hor xilkaan kala wareegay Cabdi Cali Jamaame oo Qarax lagu dilay Isla Wadada Xeebta Sh/Hoose 6 December 2018.

Qaraxa ka dhacay Deegaanka dhanaane waxaa la sheegay in ay sidoo kale Askar iyo Saraakiil kale ay ku dhinteen oo ay la geeriyoodeen Abaanduule C/salaam Kurjow.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook