Xasan Sheekh oo lakulmay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif +SAWIRRO

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafti uu hogaaminayay oo shalay gaaray magaalada Baladweyne ayaa saakay booqasho ku tagay guriga uu Baladwene ka degan yahay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif .

Ugaaska Xasan Ugaas Khaliif ayaa Howgiisa kusoo dhaweeyay Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ee booqashada ugu yimid, waxa uuna sheegay in uu ku faraxsan yahay in Baladweyne yimaado Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Xildhibaan C/risaaq Cumar wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya, qeybna ka ah wafdiga Xasan Sheekh ayaa sheegay in booqashada iyo kulanka ay maanta ugu tageen Ugaaska uu yahay mid horu dhac ah ayna jiri doonaan kulamo kale.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hada ah Gudoomiyaha xisbiga Mucaaradka ee Midowga Nabadda iyo Horumarka ayaa shalay booqasho ku tagay magaalada Baladweyne ,halkaas ay maalmo joogi doonaan.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook