Ra’iisul Wasaaraha Somaliya oo maanta ku wajahan Magaalada Kismaayo

358

Qaban qaabo lagu soo dhaweynayo Ra’iisul Wasaaraha Somaliya ayaa ka socota Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Maamulka Jubbaland, halkaasi oo lagu wado in saacadaha soo socda uu tago Ra’iisul Wasaaraha.

Khayre iyo xubno ka mid ah Golihiisa Wasiirada Somaliya ayaa lagu wadaa inay ka ambabaxaan Magaalada Muqdisho, kadibna ay ka dagaan Magaalada Kismaayo.

Shalay waxaa Magaaladaasi gaaray wafdi horudhac u ah safarka Ra’iisul Wasaaraha, oo isugu jira Wasiiro, ciidan gaar ah iyo Wariyeyaal.

Ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa si wayn loo adkeeyay, waxaana amniga iska kaashanaya ciidamada Jubbaland iyo kuwa Dowladda.

Ila wareedyo ayaa inoo sheegay Ra’iisul Wasaaraha markii uu tago Magaalada Kismaayo inuu kulamo kala duwan la soo qaadan doono masuuliyiinta Maamulka Jubbaland.

Ujeedka Khayre uu u tagayo Kismaayo ayaa waxaa lagu sheegay sidii loo dhameyn lahaa khilaafka u dhaxeeya Dowladda iyo Maamulka Jubbaland oo mudo soo jiitamayay.

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku sugan Masuuliyiinta Jubbaland iyo xubno ka tirsan Ururada rayidka Maamulka Jubbaland oo loo diyaariyay soo dhaweynta Ra’iisul Wasaaraha Somaliya.