Madaxweynaha Jubbaland oo shir ka furay Magalada Kismaayo +sawirro

Magaaladda Kismaayo ee Xarunta Gobalka Jubbadda Hoose waxaa Maanta oo Talaado ah ka furmay Shir looga hadlayo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya,waxaana shirkaasi furay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Shirka waxaa goobjoog ka ah Wasiirka qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirada qorsheynta Dowlad Goboleedyada iyo Xubno ka socda Beesha Caalamka.

Shirka ayaa socon doona mudo dhowr cisho ah, waxaana diirada lagu saarayaa sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha Soomaaliya, iyada oo uu maalgelinayo Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Magalada Kismaayo ayaa la filayaa in uu soo xiro shirkaas.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

One thought on “Madaxweynaha Jubbaland oo shir ka furay Magalada Kismaayo +sawirro”

  1. origino says:

    Haye jeesow ka waran halkan dowladnimo soo kuma muuqato ishii bugtaay ku bikaacso cabsi ma jirto waa nabadgelyo waa horumar waa baddii iyo xeebtii kismayo oon qarax lahayn oo adoon lagu wardiyeyneyn aaad magaalada meeshaad doonto maraysaa haye jeesow maka bixi kartaa villa somaliya ama hoteelkaad xamar ka degantahay huhaa masoconayso waa i tusoo i taabsii haye beledweyne dadku biya ay cabaan mahaystaan kkkkkkk

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook