Madaxweyne Erdogan oo xariga ka jaray Isbitaalka ugu weyn Qaarada Yurub

Madaxweynaha dowlada Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa xarigga ka jaray isbitaalka ugu weyn qaarada Yurub oo laga dhisay magaalada Ankara.

Isbitaalka Bilkent City ayaa lagu dhisay qiyaastii 1 bilyan oo euro, iyadoo lagu qalabeeyay 3,810 sariirood, wuxuu leeyahay 131 qol oo lagu fuliyo qaliinadda, 904 qol oo bukaan jiif ah, wuxuu qaabili karaa 30,000 oo bukaan iyo 8,000 oo bukaannada xaalad deg deg ah.

Garoon dayuuradeed oo ay ka soo degi karaan kana duuli karaan dayuuradaha qumaatiga u kaca ayaa sidoo kale loo sameeyey isbitaalkan oo kamid ah kuwa ugu casrisan caalamka, iyadoo lagu tilmaamay inuu yahay kan saddexaad ee dunida ugu weyn.

“Sidii aan u sameynay warshadaha difaaca, waa inaan ka badbaadinno waddankeena ku tiirsanaanta shisheeye ee dhinaca Caafimaadka,” ayuu yiri Erdogan.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook