Maradona: Kooxdani Uma Qalanto qaranka Argentina

Halyaygii hore ee xulka qaranka Argentina ee Diego Maradona ayaa si cadho leh afka u furtay wuxuuna soo bandhigay cadhada iyo murugada uu ka qaaday xaalada xulka qarankiisa wuxuuna eedayn kulul u soo jeediyay madax waynaha xidhiidhka kubbada cagta dalkiisa ee Claudio Tapia.

Diego Maradona ayaa sheegay in kooxda hadda ee xulka qarankiisa Argentina ayna xataa u qalmin in ay xidhaan maaliyada xulkiisa wuxuuna murugo ka muujiyay in ay wali jiraan dadka Argentina oo rumaysanaya Claudio Tapia oo uu beenaale ku sifeeyay.

Xulka qaranka Argentina ayaa dhibaato wayn ku soo jiray sanadihii la soo dhaafay wuxuuna hadalka Maradona ku soo beegmay waqti ay guuldaro 3-1 ahi ka soo gaadhay Venezuela kulankii ugu danbeeyay ee saaxiibtinimo.

Diego Maradona ayaa ku dooday in daawashada kooxda xulka qarankiisa Argentina ee waqti xaadirkan in uu ka door bido in uu daawado filimada hororka ama khaakhda ah wuxuuna u hadlay si aan gabasho lahayn.

Diego Maradona oo xaalada xulkiisa Argentina iyo aragtiisa ka hadlaya ayaa yidhi: “Anigu waxaan door bidaa in aan daawado filimada hororka ama khaakhda ah, laakiin anigu ma garanayo sida uu xirfad laawaha maamulka Argentina uu kaga fikirayay in ay doonayeen garaacista Venezuela”.

Diego Maradona oo ka murugaysan waxa xulkiisa ka socda ayaa yidhi: “Way idamqaysaa aniga, sababtoo ah gudaha ayaan Argentina ka dareemayaa, laakiin jiilkii ciyaartoyda ahaa ee sida Oscar Ruggeri, Gabriel bastistuta, Claudio Caniggia-kooxda haddu uma qalmaan in ay garanka xidhaan, waxayna ciyaartoydani shaambad ka dhigteen iyaga. Waxaanu noloshayada siinay in aanu dhabarkayaga ku aragno Tapia kaas oo aan wax fikrad ah ka haysan waxa uu qabanayo”.

Diego Maradona ayaa ka sii hadlay madax waynaha xidhiidhka kubbada cagta Argentina ee Claudio Tapia ee uu ku soo sifeeyay midka aan garanayn waxa uu samaynayo kaas oo xilkan soo hayay ilaa sanadkii 2017 isla markaana aan lala tartami doonin inta laga gaadhayo doorashooyinka 2021.

Diego Maradona oo si cadho leh uga hadlaya Claudio Tapia ayaa yidhi: “Waxaan la murugaysanahay dadka Argentina kuwaas sii wada in ay rumaystaan beenaalahan (Claudio Tapia), waxaan murugo la dareemayaa ciyaartoyda kuwaas oo qaadanaya maxsuulka marka ay dadkaasi yihiin kuwa ay tahay in ay qabtaan, sidaa daraadeed ay yihiin agaasimayaasha bixinaya sumcadii kooxda xulka Argentina”.

Diego Maradona ayaa dhawr jeer badlay tababarayaal xulka qaranka Argentina ku soo dhibtoonayay wuxuuna Maradona aaminsan yahay in macalinka xulka qaranka Argentina ee haddu in uu yahay mid aan xirfad lahayn halka Claudio Tapia uu ku tilmaamay mid beenaale ah.

 

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook