Meydka Wasiir Xoosh oo maanta muqdisho lakeenayo

Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa Maanta waxa ay xireen Wadooyinka qaar ee Magalada Muqdisho, Iyaga oo u diidaya inay isticmaalan Gaadiidka noocyadiisa kala duwan marka laga reebo gaadiidka ay wataan mas’uuliyiinta Dowladda.

Wadooyinka ay Ciidamada Xireen ayaa waxaa ka mid ah laga bilaabo Isgoyska Ex-koontorool Afgooye iyo Isgoyska Sayidka,isla markaana Gaadiidka dadka Shacab ah ay wataan loo diidayo inay isticmaalaan, taas oo keentay in Shacabka ay lugeeyaan.

Sababaha wadooyinka qaar ee Muqdisho maanta loo xiray ayaa lagu sheegay in saacadaha soo socda la filayo in Magalada Muqdisho la keeno Meydka Wasiirkii Dastuurka Soomaaliya Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh jibriil, isla markaana Aas Qaran loogu sameeyo Magaalada Muqdisho.

Xirnaanshaha wadooyinka Magalada Muqdisho ayaa waxaa dhibaato ku qaba dadka Shacabka ah oo xilliyada Shaqada ama goobaha Waxbarashada ay ku wajahan yihiin wadooyinka laga xiro,isla markaana ay ku qasabto inay lugeeyaan.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook