Keydkii Hub ay lahaayeen Al Shabaab oo la helay+ VIDEO

423

Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen keyd weyn oo hubka ah oo Al-Shabaab ay ku leedahay duleedka Muqdisho.

Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa keydkan oo ku yaalla Ceelasha biyaha ka soo saaray waxyaabaha Qarxa oo badan oo lagu aasay dhowr goobood oo ka tirsan xaafado ka mid ah Ceelasha Biyaha sida Saraakiisha amniga xaqiijiyeen.

Taliye ku xigeenka ciidamada booliska Gen. Zakiya Xuseen ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada ay godkan weyn ee hubka tageen kadib markii ay heleen xog.

Zakaiya ayaa sheegtay in qaraxyadda la doonaayay in lagu dhibaateeyo Ciidamada dowladda Soomaaliya xilliyadda ay isticmaalayaan Wadooyinka.

Ciidanka Dowladda ayaa bilihii ugu dambeeyay Waday howlgallo Ballaadhan oo laga sameeyay Magaalada Muqdisho iyo agagaarkeeda.