Somalia oo weydiisatay Midowga Boostada Adduunka [UPU] in Xayiraadda laga qaado

454

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada, Cabdi Cashuur Xasan ayaa ka codsaday Midowga Boostada Adduunka (UPU) in ay Soomaaliya ka qaadaan xayiraadda saaran sanadaha badan si dalkeenu uga faa’iideysto horumarka adduunku ka gaaray isgaarsiinta boostada. Wasiirka oo ka hadlayay
shirka Guddiga Maamulka ee UPU ayaa sheegay in adeegyada boostadu ay
horumariyaan dhaqaalaha dal kasta maadaama ay yihiin kaabayaashii adeegyada
ganacsiga kala gudbin lahaa, isla markaana lagu abuuri karo shaqooyin badan oo
ay dhallinyaradu ka faa’iideysan karaan.

Wasiirka oo sharraxayay
qorshaha ay Wasaaraddu u dajisay soo-nooleynta Boostada ayaa sheegay in hawlo
badan laga qaban doono dajinta siyaasadihii iyo qorshayaashii lagu hagi lahaa
boostada dalka, tababarka iyo tayeynta shaqaalaha boostada, helitaanka agabkii
lagu shaqeyn lahaa iyo dib-dhiska xarumihii boostada ee magaalooyinka waaweyn
ee dalka.

Wasiir Cashuur ayaa uga
mahadceliyay UPU taageeradii kala duwaneyd ee ay siisay Soomaaliya sanadihii la
soo dhaafay, kuwaa oo ay ka mid ahayd inay fududeysay in boostadu ay dalka
timaaddo, inkasta oo ay xayiraad dalkeena ka saaran tahay inaan dalka
dibeddiisa wax u dirno “Waxa aan fursaddan uga faa’iideysanayaa inaan u
mahadceliyo Danjire Bishaar Xuseen oo si gaar ah noola duubtay oo la’aantiis
aysan waxyaabo badan noo suurtogaleen.”

Wasiirka ayaa ugu dambeyntii ka codsaday dalalka xubnaha ka ah UPU in Soomaaliya laga taageero sidii dib loogu dhisi lahaa boostada dalka oo aasaas u ah horumarka dhaqaalaha iyo gacansiga caasriga ah.

Agaasimaha Guud ee UPU,
Danjire Bishaar Xuseen, ayaa sheegay in UPU ay sameyn doonto wax kasta oo ay
awooddo oo Soomaaliya u fududeyn kara in ay dib ugu soo noqoto inay xubin
buuxda ka noqoto UPU, isaga oo xusay in uu soo dhoweynayo tallaabooyinka ay
qaadday Wasaaradda sanadihii ugu dambeeyay iyo sida ay hoggaanka sare ee
Wasaarrada uga go’an tahay in ay soo nooleeyaan adeegyadii boosto oo casri ah.

Ugu dambeyn, Wasiirka oo uu
wehliyo Wasiir-u-dowlahiisa C/laahi Bile Nuur ayaa inta ay joogaan dalka
Switzerland la kulmi doonaan dalal kala duwan oo gacan ka geysan kara qorshaha
Wasaaradda ee arrimaha boostada.