Farmaajo Oo Aqbalay In Uu Badelo Kheyre

460

War goordhaweyd oo Duhurnimadii aan ka helnay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dalka mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu badelo Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisal Wasaaraha Dalka iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa kulamo gaar gaar ah lahaa Maalmihii dambe,iyadoo sidoo kale Madaxweynaha uu la kulmayey Siyaasiyiin Caan Ah islamarkaana qaarkood ay Mucaaradka Dawlada ahaayeen.

Ilo muhiim ah ayaa Wardoon.net usheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu Maanta duhurnimadii aqbalay Codsiga ah in La badelo Ra’iisal Wasaaraha si isku duubni iyo Xasilooni Siyaasadeed iyo mid amni utimaado.

Khabar aan helnay waxa uu sheegayaa in Madaxweynaha uu la hadlay Xasan Kheyre isna uu aqbalay in xilka laga wareejiyo.