Taliyihii Xabsiga Gar Adag ee Gobolka Sanaag oo ladilay

386

Warar hada ka Hada Naga Soo Gaadhaya Gobolka Sanaag Gaar Ahaana deeganka Gar Adag ayaa waxaa ay sheegayaan in la dilay taliyihii Xabsiga Gar Adag iyo Taliye ku xigeenkii Rugta Booliska degmada Gar Adag

Labadan taliye ee la dilay ayaa la sheegay in magaalada Gar Adag kaga baxeen qaab dhuumasho ah kadib markii magaladaasi ay ka bilaabmatay mudaharaad-yo lagaga soo hor jeeda muwaadin magaaladaasi u dhashay oo shalay ku dhex dhintey xabsiga magaalada Ceerigaabo

Wararka ayaa sheegaya in labadan taliye ay dileen meelishiyaad beeleed ka soo jeeda reerka uu ka soo jeedo marxuumka shalay dhintey kuwaas oo u galay deeganka Bancade oo u dhaxeeya Gar Adag iyo Magaalada OOG

Labada Sargaal ayaa ksoo jeeda galbeedka gaar ahaan Awdal labaduba Waa HABARCAFAAN Sadex xidigle Nuur Cali Aw Nuur oo ahaa taliye ku xigeenkii Booliiska Oo kasoo jeeda Reer Xaamud Iyo Gaashaanle Cabdilaahi Axmad Talan oo ahaa taliyihii Asluubta ayaa isna kasoo jeeda beesha Xeebjire.

Xukuumada Muuse Biixi ayaa wali ka hadlin dilkani dhagarqabyaashii dilka gaystana wax war ah lagama hayo xaga ay ku dambeeyeen.