Aas Aasihii Shabakadda Wikileaks oo laxiray+SAWIRRO

Booliska London ayaa xiray Aas aasihii Shabakadda Wikileaks ee faafin jirtay xogaha siraha, kaddib muddo 7 sano oo uu ku magangalyo ahaan ugu jiray gudaha Safaaradda Ecuador ee London.

Mr Assange ayaa waxaa dooneysay dowladda Sweden, waxaa loo heystay eedeymo la xiriiri arrimo kufsi ah.

Booliska ayaa sheegay in Mr Assange la soo xiray, kaddib markii uu diiday inuu isku dhiibo Maxkamadda.

Madaxweynaha Ecuador Lenin Moreno ayaa sheegay inay laaleen magangalyadii Mr Assange, kaddib markii uu ku xadgudubay heerarka caalamiga.

Sawirro la soo qaaday ayaa muujinayay Mr Assange oo garka ku baxay, oo ay Booliska garba-duub u wadeen, waxaana uu ku qeylinayay erayo ka dhan Britain.

Xogahayaha Arrimaha Gudaha Britain ayaa xaqiijiyay xariga Mr Julian Assange, waxaana uu sheegay in aanay sharciga cidna ka weyneyn. Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in Julian Assange la horkeeno maxkamad ku taal magaalada London.

Madaxweynaha Ecuador Lenin Moreno ayaa sheegay in sababaha ay ugala noqdeen magangelyada Assange ay tahay kadib markii xadgudubyo joogta ah uu kula kacay sharciyada caalamiga iyo qawaaniinta nolosha.

Assange oo 47 sano jir ayaa la sheegay in dacwadihii loo haystay laga laabtay balse waxa uu aad uga cabsi qabay in loo gacan geliyo dowlada Maraykanka halkaa oo uu ku mudan karo xukun dil ah maadaama uu kashifay sir culus oo dowlada Maraykanka ay leedahay.

Balse war ka soo baxay Madaxweynaha Ecuador ayaa lagu sheegay in ay dowlada Britain ay u ballanqaaday inaan Assange loo gacan gelin wadan uu ku mudan karo jirdil ama dilba.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook