Cabdimaalik Coldoon oo Xabsiga la dhigay

Wararka Caawa Warbaahinta Wardoon.net kasoo gaadhay magaalada Burco ayaa Xaqiijinaya in Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon, ay caawa xabsiga u taxaabeen ciidamada booliska gobolka Togdheer.

Ehellada Wariye Coldoon ayaa sheegay in markii la qabanayay uu gaadhi dhex watay suuqa, ka dibna ay ciidamadu gaadhigiisa ku weerareen, isagoo markii dambe intuu gaadhiga ka degay galay guri, ka dibna ay sidaas ku qabteen ciidanku.

Booliska Togdheer ayaa horey u sheegay in maxkamadda Hargeysa waaran qabasho ah looga soo jaray weriyaha, Waxaana dhowaan uu kasoo Noqday Dawlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

“Waan ka xumahay inuu taladaydi qaadan waayey, waan ka xumahay in shacab la haysto uu hiil biday, waan ka xumahay inuu gacanta u galo kuwo illaahay ka maarmay, Coldoon waxaa ayaandaro ah inay basaaseen labbadiisi saaxiib ee sawirqaadayaasha u ahaa “ Ayuu yidhi Cabdirisaaq Terra oo kamid ah dadka Xadhigiisa ka hadlay.

Wariye Coldoon ayaa Mudooyinkii dambe ku sugnaa magaalada Burco oo dhuumasho uu ku Joogay, Wuxuuna dhowaan sheegay inaan dhowr Todobaad Salaad Jimce ku Tukan Jamac, isagoo ka Cabsi qabay in la xidho.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook