Ciidamo fara badan oo la soo dhigay Isgoysyada Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa saaka ku jirta xaalad ka duwan xaaladihii hore looga bartay, iyadoo Isgoysada waa weyn ee waddooyinka la dhigay Ciidamo Boolis ah oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka.

Ciidamadan oo boolis ah ayaa feejignaan dheeraad ah ku jira, iyagoo wata gaadiidka dagaalka, mid Ambalaas ah iyo hub fara badan, waxaana jira warar sheegaya inay doonayaan sidii ay uga hortagi lahaayeen banaanbaxyada laga cabsi qabo inay maanta ka dhacaay maagalaada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada lagu soo daadiyay inta u dhexeysa Isgoyska Dabka ilaa midka Ex Koontarool Afgooye, iyadoo sidoo kale Ciidamo fara badan la dhigay qeybo kamid ah wadada Wadnaha, iyadoo la doonayo in laga ceiyo hadii banaabnaxayaal ay u soo tilaabayaan dhanka wadada Maka Al-Mukarama.

“Ciidamadan waa kuwo aad u taxadaraya, waana Ciidan aan hore loo arag, waxey tagayaan maqaaxiyaha ay dadka fariistaan, iyagoo kala eryaya meeshii ay fadhiyaanba wax ka badan shan ruux, waxeyna dadka u sheegayaan iney xaafadohooda isaga xaroodaan, mana garaneyno waxa jira” ayuu yiri qof ka mid ah dadka ku sugan nawaaxiga Isgoyska Debka.

Isu socodka gaadiidka dadweynaha iyo kuwa shaqsiyaadka ay wataan ayaa si caadi ah isaga socda marka laga hadlayo gudaha magaalada Muqdisho oo waxaa jira kala wareegii hore u jiray oo kaliya, iyadoo ay arintan u muuqato mid looga hortagayo rabshado Caasimada ka dhaca oo kaliya.

Siyaasiyiin iyo Culuma’udiinka Magaalada Muqdisho iyo Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa ka digay banaanbaxa, iyaga oo sheegay in uu yahay mid dano Siyaasadeed oo gaar ah laga leeyahay.

Si kastaba ha ahaatee dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata mid xanuun gaara ay ku heyso banaanbaxa baraha bulshada lagu hadal hayo inuu maanta ka dhacayo magaalada Muqdisho, kaasoo looga soo horjeedo dilalka ay Ciidamada u geystaan dadka Shacabka ah.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook