DAAWO:- Imaamka Mudulood oo kubaaqay Shirweyne looga hadlayo arrimaha Gobolka Banaadir

Imaamka Beelaha Muddulood Imaam Maxamed Yuusuf ayaa iclaamiyay shirweyne looga hadlayo arrimaha Gobolka Banaadir iyo dhibaatooyinka ka jira, isagoo ugu baaqay shacabka inay is dejiyaan, kaddib banaan baxyadii rabshadaha watay ee maanta ka dhacay Muqdisho.

Imaam Maxamed Yuusuf ayaa sheegay inay yihiin shacabka odayaashooda, ayna ka damqanayaan dhibaatada soo gaartay, waxaana uu ugu baaqay dowladda inay u dhimreyso shacabka.

Waxaa uu ku baaqay in askarigii falka dilka geystay Maxkamad la soo taago, si sharciga loo horkeeno.

Lama oga nuuca uu noqon doono shirweynahan, iyadoo dadka reer Muqdisho aysan xilligan laheyn matalaad gaar ah iyo maamul ay soo doortaan.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook