Madaxweyne kuxigeenka Suudaan iyo Magacyadda Mas’uuliyiinta kale ay xireen Milatariga

Ciidanka Milatariga Suudaan ayaa xiray Mas’uuliyiin badan oo ka mid ahaa dowladda Madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir.

Saraakiil ka tirsan xukuumada al Bashiir ayaa xabsiga la dhigay, Ciidanku waxa ay xireen Ahmed Haruun oo ahaa Madixii xisbiga Golaha Qaranka, Cali Cusmaan Daaha oo ahaa Madaxweyne ku xigeenkii Wadanka Sudan , iyo Cabdi Raxiim Maxamed Xuseen oo ahaa Wasiirkii Hore ee Difaaca Sudan.

Wariyeyaal ku sugan Khartuum ayaa sheegay in masuuliyiinta sare ee milatariga iyo madaxda kale ee ammaanku ay hadda shir ku jiraan, islamarkaana Saacaddaha soo socda ay ku dhawaaqi doonaan Go’aan muhiim ah.

Waxa ay ka arrinsanayaan cidda hogaamin doonta guddiga laamaha ammaanku ay iska soo xulayaan ee dalka hoggaanka u qaban doona.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook