Mo Farah Oo lacag badan Lagaga Xaday Hotel uu Leeyahay Orodyahanka Reer Itoobiya Haile Gebrsalasse

Orod-yahanka Calaamiga ee Mo Farah ayaa sheegay in dhac xooggan loogu geystay qolkii uu ka degganaa Hotelka Yaya Africa Athletics Village oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Addis Abeba, wuxuuna sheegay in la jabsaday shandadiisa xilli uu ku maqnaa Tababar Laylin Orod.
Mo Farah oo ah Somali-british caan ku ah Orodada Marathon-ka ayaa sheegay in laga dhacay lacag dhan 2,500 oo Giniga Ingiriiska, 11,850 Dirhamka Imaaraadaka, 2 Mobayl iyo Sacaad Qiimo weyn leh oo ay xaaskiisa haddiyad ahaan u siisay.
Waxa uu xusay in dhaca loo geystay Shandadiisa taallay Qolka uu ka degganaa Hotelka ay ahayd bishii March ee la soo dhafaay 23-da, xilli uu ku maqnaa Tababar dhinaac Orodka.
Dhinaca kale, Mo Farah waxa uu cambaareeyey Orod-yahanka Ethiopian-ka, Haile Gebreselassie oo iska leh Hotelka dhaca loogu geystay, wuxuuna xusay inuu Orod-yahanka Ethiopianka ku guul-daraystay inuu isaga caawiyo, kadib, markii dhaca loogu geystay Hotelka Yaya Africa Athletics Village oo Haile Gabresalassia iska leeyahay.
Mo Fraah waxa uu tilmaamay inuu taageero kooban ka helay Shaqaalaha Hoteelka, wuxuuna xusay inuusan Haile Gebreselassie marnaba ka taageerin dhaca loo geystay.5 Shaqaalaha Hotelka ayaa la xidhay kadibna lasiidaayay lana sheegay in waxba lagu waayay.
Dhinaca kale Haille Gabresalasse ayaa twitterta soo dhigay fariin adag oo uu ku difaacay Hotelkiisa sheegayna in Macaamiisha lawaydiiyo inay Kaash ahaan u sitaan lacag ka badan 350 Dolar si sanduuq gaar ah oo ay ku xafitaan loosiiyo,waxaana uu sheegay in Mo Farah la waydiiyay balse
uu ka dhego adaygay,Haille ayaa ku dooday in Mo Farah loo sameeyay qiimodhimis intii uu Hotelka deganadaa 50% balse uu hadda iska tagay isagoo lagu leeyahay 81000 oo lacagta Itoobiya ah,waxaana uu ku eedeeyay Mo Farah inuu si xun ula dhaqmay shaqaalaha Hotelkiisa mar horena
isagu soo kala dhexgalay xaliyayna balse imika uu ceebaynayo Hotelka iyo Isaga HailleGabresalase sumcadiisa dacwayna doono.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook