Bayern Munich Oo Dalab Rasmi Ah Ka Gudbisay Paulo Dybala

James Rodriguez ayaa la filayaa in uu isaga tago kooxda Bayern Munich inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan kooxda reer Germany ayaana haatanba u dhaqaaqday la soo saxiixashada badalkiisa.

Kooxda Bayern Munich ayaa dalab Rasmi ah oo dhan 80 milyan oo euro ka gudbisay xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Juventus ee Paulo Dybala.

Xiddiga reer Argentine ayaa la fahamsan yahay in uuna ku faraxsanayn Juventus inkasta oo uu koob kale uu Serie A-da ah kula guulaystay kooxda xilli ciyaareedkan.

Wargayska Corriere dello Sport ayaa sheegaya in ay kooxda Bayern Munich dalab Rasmi ah ka gudbisay xiddiga reer Argentine xilli ay wadahadalo hordhac ah kula jiraan kooxda Juventus.

Kooxda Juventus ayaa doonaysa in ay Dybala ku iibiso lacag dhan 100 milyan oo euro laakiin 20-ka milyan ee u dhexeeya labada kooxood ayaa u muuqda mid aan caqabad ku ahayn wadahadalada.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook