DAAWO:-Odayaasha Raggii lagu eedeeyay Dilka Caasha Ilyaas oo kasoo diiday Xukunka Dilka

Odayaasha iyo Waxgaradka ay kasoo jeedaan Raggii Maalintii shalay Lagu Xukumay Inay Kufsadeen Caasha Ilyaas, kadibna dileen ayaa Xukunkaasi kasoo Horjeestay.

Iyagoo Warbaahinta kula hadlay deegaan Burtinle Waxay sheegeen inaysan ku Qanacsanahay Xukunka, Islamarkaana dadka la Xukumi karo Marka loo hayo Cadayn, Ama uu Qirto dambigaasi, waxayna Dhaqan Reer Galbeed ku sheegeen Baadhitanka la sameeyay ee DNA-ga, iyagoo xusay inaanu shareecada islaamka ku jirin.

Dad badan ayaa Markii hore Mugdi uga jiray in Odayaashu ay Dhiiri geliyaan Kuwa dambiga gaystay guud ahaan magaalooyinka dalka, Waxaana tani daliil cad u tahay sida Odayaasha ay uga Fogyihiin Cadaaladda.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook