Hargaysa cunug yar oo musqul lagu dhexriday+SAWIRRO

Wararka naga soo gaaraya Xaafadda October ee Magaalada Hargaysa ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi maanta ay ka dhacday dhacdo argagax leh kadib markii ilmo yar Suuliga lagu riday.

Xaafadda amuurtaan ay ka dhacday dadka degan waxa ay sheegeen in haweenay ay waydiisatay inay musqusha gasho loona ogolaaday balse qof kale oo Suuliga markii haweenaydaasi ka soo baxday galay uu maqlay oohinta ilmaha yar, loogana shakisan yahay Haweenaydii Suuliga ka baxday inay ku riday ilmahaasi yar.

Ciidamada dab damiska Somaliland ayaa ku guuleystay ilmahaasi yar Suuliga in laga soo saaro, waxaana la geeyay isbitaalka wayn ee Hargaysa.

Ciidanka Booliska waxa ay sheegeen in ay ku daba jiraan haweyndii geysatay falkaan naxdinta badan, islamarkaana ay qaadi doonaan tilaabo hadii ay gacanta ku dhiggaan.

Dhacdadaan ayaa dadka kunool Magaalaa Hargeysa ku abuurtay Argagax iyo naxdin badan.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook