James Rodriguez Oo Ku Soo Wajahan Premier League

 

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara xulka qaranka Colombia iyo waliba kooxda Bayern Munich ee James Rodriguez ayaa go,aansaday in uu ku soo biiro horyaalka Premier league inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan sida ay sheegayaan wararku.

James Rodriguez ayaa laga yaabaa in uu ku soo biiro kooxaha Arsenal Ama Man United inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga kadib markii uu wakiilkiisa u sheegay in uu doonayo in uu ka ciyaaro premier League.

James Rodriguez ayaa dhamaysanaya heshiis 2 sano ah oo uu ku qaatay kooxda Bayern Munich isaga oo kaga biiray Real Madrid kuwaas oo doonaya in ay haatan si toos ah u iibiyaan xagaagan.

Real Madrid ayaa diyaar u ah in ay xiddiga ku iibiso lacag dhan 36 milyan oo euro taas oo heegan galisay kooxaha Arsenal iyo Man United kuwaas oo muddo lala xiriirinayay xiddiga reer Colombia.

Arsenal ayaa saxiixa xiddiga si aad ah u doonaysay intii lagu jiray suuqii January laakiin waxa uu go,aasaday in uu xilli ciyaareedka ku dhamaysto kooxda Bayern Munich.

Dhanka kale United ayaa saxiixa James doonaysay muddo dheer si ay u hesho adeegiisa intii uu joogay kooxda Real Madrid.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook